Aabahay Allahu unaxariistee Nasiib umaana yeelanin ina kusoo Ag-barbaaro lkn wxaan xasuustaa inuu anagoo Aad uyaryar Nooso qaadan jiray fasax kaliya si uu wakhti noola qaato waliba intaa aan la joogno jacayl iyo naxariis badan ka heli jiray Aabo Aad noogu faana ayuu ahaa oo Aad noogu faraxsan oo saaxiib nala ah,wxuu marwalba nagu cel celin jiray Aduunka gabdho idinka qurux badan ma joogaan  Aabo ,Taasna waxay nagu Abuurtay inaan Kalsooni badan ku qabno naftayada iyo Qaabka quruxda badan ee ilaahay noo sameyey ilaa maantadan la joogo Allhamdulillah 🤲 ..Aduunyo walba ood ilmahaaga siisa wax macna ah ma yeelanayso hadaadan quluubta awlaadad boos ku yeelanin oodan wakhti xasuus reeba la qaadanin ilmahaaga..Marka Aaboyaasha somaalida wxaa iga tallo ah in awlaadiina inta ay yar yar yihiin khaasattan Hablaha Aad si gaara uxanaanaysaan ood naxariis iyo jacayl fara badan siisan Awlaada .qassab maaha in hooyada iyo Aabuhu wada jogaan ama qoys ahadaan si ilmuhu uhelo jacayl ka waalidkii .marka please ilmaha farxadiisa yaan lagu xujaynin wada-jirka qoyska.caruurta qalbiyadooda ha la dhawro🙏…….ilaahowu kuu Naxariiso Aabo qabrigana kuu waasici..  intuu Aabo jecelyahay gabadhiisa waad na jeclayd waliba si khaas 🥹 ah waana sababta Aad quluubtanada uga bixi ladahay Aabo Ilaahay jannatull fardawsa hakaa waraabiyyo adiga iyo dhamaanba Maytaadka islaamka ee kale .. رحمك الله وغفر لك واسكنك فسيح جناته


Comments

Popular posts from this blog

Wararka manta

Halkan hoose waxaa ku qoran wararkii ugu dambeeyay ee horyaalada kubadda cagta ee Spain (La Liga) iyo England (Premier League) xilli ciyaareedka 2024–2025

Wararka ciyaraha