Sirtaa nolosha
Noloshu waxa ay u qaybsan tahay xilli mustaqbalka loo shaqaysto iyo xilli la baashaalo oo waqtigaaga dhalinyaronimo la qaato, haddii aad labadaas isku khaladid nolosha wax badan baad shallayn doontaa adigoo 50 sano jirana dhabarka ayaad ka dhididi doontaa.
Nimanku waxa ay u qeybsan yihiin labo. Kuwa la guursado, reerkiinna la soo baro kadibna carruur loo dhalo, iyo kuwo waqti iska ciyaar ciyaar ah lala qaato, lala tijaabiyo waxyaabaha aad xiisaynaysid kadibna danahaaga la ga raacdo. Haddii aad labadaas isku khaladid wax badan baad ka shallaayi oo furriin iyo ninku ima biilo ayaad ku waalan.
Dumarku labo ayay u qaybsamaan, qaar u qalma in mustaqbalka carruurtaada la gu aamino, naag aadan uga shakiyayn in ilmaheedu baahi u dhiman doonaan ama tarbiyadu ka hallaabayso haddii tii Alle kuu timaaddo, iyo mid qurux badan oo maalmo asxaabtaada loogu faan-faano kadibna noloshaada la ga raacdo, haddii aad labadaas isku khaladdo waxa aad ku waalan doontaa niyow xaaskii baa igu xumaataye xagee xal ka doonaa.
Saaxiibadu labo ayay u qaybsamaan. Kuwo naftooda kuu huri kara, waxa ay naftooda la jecel yihiin kula jecel oo aadan shaki ka qabin booska ay kaa jiraan iyo kuwo been ah, kuwo xilliga dhal-dhalaalka oo kaliya jooga kuwa marka aad faraxsan tahay oo kaliya garab kuu ah marka xaalku xumaadana aadan il saarayn, haddii aad labadaas isku khaladdo wax badan baad noloshaada ku qaadanaysaa adigoon aqoon cid aad aaminto.
Comments
Post a Comment