Suuqa kala ibsigaa ciyartoyga
Shuruucda maaliyadeed awgeed, Barcelona ayaa laga yaabaa inay u baahato inay dhaqdhaqaaqyo adag ka sameyso suuqa kala iibsiga xagaagan. Taas ayaa keentay in maalmihii ugu dambeeyay kooxda ay ku hareeraysan tahay dabaylo xanta suuqa kala iibsiga ah. 🤯👇
👋🤔 PSG ayaa diyaarinaysa dalab aad u wayn oo dhan 200 milyan oo euro oo ay ku doonayso 16 jirka Barcelona ee Lamine Yamal si uu u badalo Mbappé kaas oo qarka u saaran inuu ka tago Paris kuna biiro Real Madrid. (Le Parisien)
👋🤔 Barcelona ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada Ronald Araujo xagaagan, iyadoo Manchester United ay ka mid tahay kooxaha xiiseynaya daafaca, kaasoo lagu qiimeeyo 100 milyan euro. (Diario Sport)
👋🤔 Bayern ayaa la socota xaalada Frenkie de Jong ee Barcelona, laakiin mushaarkiisa ayaa noqon kara dhibaato. (Sky Sports Germany)
📝🤔 Bernardo Silva ayaa go'aansaday inuu ka tago Manchester City xagaagan. Portugal-ka ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 58 milyan oo Yuuro, waxaana uu aad u doonayaa inuu ku biiro kooxda Catalans. (Diario Sport)
📝🤔 Barcelona ayaa xiiseyneysa saxiixa garabka Liverpool Luis Diaz xagaagan. (Diario Sport)
📝🤔 Barcelona ayaa bartilmaameedsatay Alexander Isak, oo lagu qiimeeyo 100 milyan euro, si ay u badasho 35 jirka Robert Lewandowski. (The Sun)
Comments
Post a Comment